Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Kulan Uga Furay Magaalada Hargeysa Mas’uuliyiinta Hay’adda Cunnada Iyo Beeraha Ee FAO Iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaasi

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha JSl Axmed Muumin Seed ayaa maanta kulan laba geesood ah uga furay magaalada Hargeysa mas’uuliyiinta hay’adda cunnada iyo beeraha ee qarmada midoobay ee FAO iyo agaasime waaxeedyada wasaaraddaasi.

Kulankaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah waxa hirgelintiisa iska kaashaday wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland iyo hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan qaramada midoobay ee FAO. Waxaana lagaga hadli doonaa kulankaasi mashaariicda horumarinta iyo casriyaynta beeraha ee ka dhexeysa wasaaradda horumarinta beeraha iyo hay’adda FAO.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha JSL Rooble Cabdi Muuse, waxaana uu ka warramay muhiimadda uu shirkani leeyahay isla markaana waxa uu u mahad’celiyay hay’adda cunnada iyo beeraha ee FAO oo ay wada shaqayn joogta ah leeyihiin wasaaradda beeraha.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay madaxa hay’adda FAO ee Somaliland Mr. Leges Man oo soo dhaweeyay kulankaasi laba geesoodka ah, waxaana uu sheegay inay kasoo bixi doonaan muddada uu socdo qodobbo wax ku ool ah oo lagu dabaqayo horumarinta wax soo saarka beeralayda.

Ugu dambayn, wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo kulankaasi si rasmiya u furay ayaa sheegay in shirkan lagaga wada hadlaayo inta uu socdo sidii loo horumarin lahaa beeraha iyo wax soo saarka guud ee dalka isla markaana loo xoojin lahaa habka beerashada wax soo saarka casriga ah, gaar ahaan bustaannada iyo beer roobaadkaba.

Waxaana uu kula dardaarmay wasiirku ka qayb galayaasha kulankaasi inay si dhab ah uga faa’ideystaan muddada uu kulankaasi socdo isla markaana ay u gudbiyaan aqoonta ay kulankaasi ka kasbadaan beeralayda kale ee Somaliland.

Dhanka kale, wasiirku waxa uu sheegay in kulankani dabo socday kulamo hore oo lagaga hadlaayay wax soo saarka iyo kor u qaadidda tacabka wax soo saarka beeraha oo ay ka wada shaqaynayeen hay’adda FAO iyo wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland.