Wasiirka Beeraha JSL Oo Soo Kormeeray Saacado Qodaal Ah Oo Lagu Caawiyey Beeralayda Oodweyne

Oodweyne – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed, ayaa kormeer ku soo maray deegaano ka mid ah Gobolka Daad-madheedh oo Wasaaraddu ka waddo Saacado Qodaal ah oo Lagu taageeray dadka Beeralayda ah.

Wasiirka iyo Weftigiisa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Daad-madheedh, Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Daad-madheedh iyo Masuuliyiin kale.

Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha iyo Masuuliyiinta Gobolkaasi oo halkaa ka hadlay, ayaa Wasaaradda Beeraha uga Mahadceliyey dedaalka ay muujisay xilligan oo Roobabkii Gu’gu dalka ka curteen.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Md. Axmed Muumin Seed oo Gebogabadii halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan ku dedaalayaan sidii Qaranku isku filaansho uga gaadhi lahaa dhanka cuntada iyo sidii loo taageeri lahaa Beeralayda ay ka mid yihiin kuwa Gobolka Daad-madheedh.

Wasiir Seed wuxuu sheegay in mashruuca ah Saacadaha lagu caawiyey Beeralayda ee uu soo kormeeray aanu noqon doonin kii ugu dambeeyay, balse ay jiraan Mashaariic waaweyn oo Wasaaraddu ka hirgelin doonto Daad-madheedh, kuwaasi oo uu xilligan dib u riixay Xanuunka Covid-19.

Wasiirku wuxuu sheegay in hawlahaas oo dhan ku fulinayaan Siyaasadda uu Qaranka ku hagayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayn, Saacadaha Caawimada ah ee Wasiirku soo kormeeray waxa gacan ka geysatay Hay’adda World Vision oo ay Wasaaradda Beeraha wada shaqayn leeyihiin.