Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Furay Kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta

Muqdisho – (WARSOOR) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa furay kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaana ka qeyb galaya Xubno ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wakiilo ka socda Midowga Yurub, Hay’adaha ka shaqeeya Nabada iyo Dib u heshiisiinta iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka ayaa kulanka ka sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u heshiisiinta maadaama ay aasaas u tahay nabadda iyo xasiloonida Dalka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u heshiisiinta iyo sida ay uga go’an tahay, isagoo Tusaale usoo qaatay dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna iyo Xal ka gaaristii dagaaladii Gaalkacyo.

Wakiilada ka socda dowladaha Yurub ee ka qeyb galaya kulanka ayaa balanqaaday inay door weyn ka qaadan doonaan Taageerada Soomaaliya ee dib u heshiisiinta.

Kulankan oo socon doona Labo Maalin ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

 

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.