Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Ayaa Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu soo dhamaystay safar isugu jiray qaafimaad iyo shaqo uu dalka dibadiisa ugu maqnaa, kaas oo in muddo ah aqaatay.

Maxamed Kaahin Axmed Kaahin wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in xaaladdiisa caafimaad hadda fiican tahay, waxaanuu amaan u jeediyay  bulsahda Somaliland ee ka warhaysay xaaladiisa caafimaad, mudadii uu dalka dibadiisa ku maqnaa.

Ugu dambayn wasiir Maxamed Kaahin waxa kale oo uu mahadceiliyay masuuliyiinta iyo xubinii ka kala tirsanaa qaybaha kala duwan ee bulshada eek u soo dhaweeyay madaarka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo uu ka soo degay.