Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiissa Talyaaniga

Rome – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda arrimadda Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Luigi Di Maio.

Kulanka Labada wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dal ee saaxiibadda ah, iyagoo ku heshiiyey in la dardar galiyo arrimaha muhiimka ah ee faa’idada u leh labada dhinac sida waxbarashadda, is dhaafsiga dhaqanka iyo horumarka.