Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka Masar ee Soomaaliya

Muqdisho-(WARSOOR)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Masar ay u soo magacawday Soomaaliya Mudane Maxamed Alsaciid Axmed Albaas.

Danjiraha cusub ee Dowladda Masar Mudane Maxamed Alsaciid Axmed ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey, isaga oo wasiirka uga warbixiyey dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ee XFS Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Danjiraha Cusub ee Masar ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuuna u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.