Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay wafdi ka socday Dolwadda Jarmalka oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho – (WARSOOR) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa caawa Caasimadda Muqdisho ku qaabilay wafti ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo ka koobnaa Madaxa Qaybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo ay wehelinayeen Madaxa Qaybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Horumarinta Iskaashiga, Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dheef wadaagga ah ee ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada iskaashiga, ka wada-shaqaynta amniga, horumarinta iyo maalgashiga, sidoo kale waxaana intii uu kulanku socday lagu lafo-guray xaaladaha guud ee Gobolka Geeska Afrika, geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka iyo la-dagaallanka burcad badeedda.