Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Madax-bannaanida Somaliland

London – (WARSOOR) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland DrCiise Kayd Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasibad lagaga hadlaayay gooni isu taagga Somaliland, oo lagu qabtay caasimadda London.

Munaasibaddan oo ay soo abaabushay safaaradda Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ka qayb galay wufuud ka socota dalka Ingiriiska, xildhibaanno iyo xubno gole deegaan oo ka tirsan goleyaasha Boqortooyada Ingiriiska.

Danjiraha Somaliland ee Ingiriiska Cabdi Cabdillaahi ayaa sheegay in safaarad ahaan ay ku faraxsan yihiiin inay soo abaabulaan kulankan oo kale, waxaana uu tilmaamay in Somaliland ay maalin uun heli doonto tixgelin caalami ah, isagoo uga mahadceliyay madaxda Ingiriiska ee kasoo qayb gashay kulankani.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee Boqortooyada Ingiriiska oo isna goobta joogay ayaa sheegay in wax keliya ee ay u qalanto Somaliland ay tahay in dunidoo dhami ay siiso ictiraaf buuxa, maadaamo ay buuxisay dhammaan waxybaahihii qaran looga baahnaa oo dhan.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha ee wada hadallada Soomaaliya Drs, Adna Aadan oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa ugu baaqaday bulshada Somaliland ee dibadda iyo gudaha inay u midoobaan danta Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland DrCiise Kayd Maxamuud ayaa ku booriyay bulshada dibadda ee Somaliland, inay ka shaqeeyaan sidii ay u hirgeli lahayd himillada umadda Somaliland, isla markaana ay tixgelin uga heli lahaayeen beesha caalamka.

Wasiirku waxa uu intaad ku daray in guul weyn lagaga keenayo qaddiyadda Somaliland, haddii ay iskaashadaan bulshada dibadda iyo ta gudaha ee dalku, isagoo xusay in maalin uun la qadarin doono madax bannaanida Somaliland.