Sool – (warsoor) – Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo maalmahan kormeer ku samaynaayey goobaha diwaan-galintu ka socoto ee gobolka Sool ayaa beeniyey warar sheegaayey in jabhadda khaatumo ay weerar ku soo qaadeen goobaha diwaan-galinta.
Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Md. Md. Yaasin Xaaji Maxamud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in khaatumo soo weerartay goobaha ay diwaan-galintu ka soco ee ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay goobo badan oo ay soo mareen ka tirsan gobolka Sool in diwaan-galintu ay si fiican uga soco, wax dhibaato oo ka dhacday aanay jirin dadkuna ay si wacan isku diwaan-galinayaan.
Halkan ka daawo wasiir Faaratoon oo laga waraysanaayo xaaladda gobolka Sool iyo sida ay diwaan-galintu u soco.
This post is also available in:
Somali