Wasiirka amniga “10 ayaa ku dhimatay 51 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkii Hotel Dayax” (SAWIRO)

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in weerarkii maanta ay ku dhinteen 10 qof halka ay ku dhaawacmeen 51 qof.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlayay Hotelka Dayax ayaa sheegay in maleeshiyadii weerarka soo qaaday ay gaareysay ilaa iyo afar, kuwaasi oo uu xusay inay toogteen ciidamada amniga, inti ay ku guda jireen howlgalkii Hotelka looga xoreynayay.

Mudane Cabdirisaaq ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu tacsiyadeeyay dadkii ku dhinta weerarka argagaxa leh ee ay Shabaabku ka fuliyeen Hotelka Dayax, waxaana uu Alle uga baryay intii ku dhaawacantay in uu bogsiiyo.

Wasiirka amniga ayaa bogaadiyay ciidamada ammaanka oo soo afjaray howlgallo saacado qaatay, kaasi oo lagu ciribtirayay maleeshiyaadkii weerarka ku soo qaaday Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

weerarka ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay suxufiyiin kuwaasi oo ku guda jiray sidii ay bulshada ugu tebin lahaayeen xaqiiqda dhacdada, waxaana ay la kulmeen qaraxa labaad ee ka dhacay dhanka laamiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.