Wasiirada Puntland oo ansixiyay hindise sharciyeedka ilaalinta goobaha taariikhiga ah

Muqdisho – (warsoor)-Shirka Golaha wasiirada Puntland ayaa maanta lagu ansixiyay hindise sharciyeedka ilaalinta Goobaha taariikhiga ah ee Puntland, sidoo kalana lagaga hadlay Marxaladaha doorasho ee dalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee golaha wasiirada dowladda Puntland.

Shirka golaha wasiirada oo uu Madaxweynaha ku weheliyay  Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay Doorashada Soomaaliya, Amniga deegaannada Puntland, xaaladda gobollada iyo degmooyinka, horumarinta waxbarashada iyo ansixinta Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo dadaalka dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dhashay hirgelinta heshiiskii 17-ka September 2020.