Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna ku simaha Wasiirka ayaa soo xiray tababar ku saabsanaa tabinta xaaladaha bini’aadannimada iyo wararka deg degga ah

Muqdisho – (Warsoor) – Tababarka tabinta xaaladaha bini’aadannimada iyo wararka degdegga ah oo ka qeyb galeen 30 suxufiyiin oo kala socday Warbaahinta waxaa uu seddex maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Waxaa tababarka soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo kaashanaysa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si loo xoojiyo kaalinta Warbaahinta ee tabinta Bani aadamnimada iyo kor u qaaditsa wacyiga wariyaha ee kawaramidda wararka deg degga ah.

Tababarka waxaa bixiyay qubaro saxaafeed ku xeel dheer tabinta xasaradaha iyo xaaladaha bini’aadannimada.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Doodishe oo ka mid ah mas’uuliyiinta lagu casuumay tababarka si ugala hadlo kaalinta Booliiska ee xaaladaha deg degga ah iyo muhiimadda ay dowladda siiso xog siinta iyo xaqiijinta badqabka weriyaayaasha ayaa suxufiyiintii ka qeyb galay waxaa ay la wadaageen wixii ka qabeen.

Wariyayaasha ka qeyb galay tababarka ayaa uga mahad celiyay wasaaradda aqoon iswaydaarsigaan iyaga oo soo jeediyay in la kordhiyo tababarada nuucaan ah.
Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Cabdinaasir Xuseen ayaa sheegay in tababarka uu ku soo aaday xilli loo baahnaa ayna badin doonaan tababarada niucaan ah.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna ku simaha wasiirka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo soo xiray tababarka ayaa bogaadiyay suxufiyiinta ka qeyb galay aqoon iswaydaarsigaan waxaa uu kula dardaarmay dhaqan galinta casharadii tababarka iyo kor u qaadista doorkooda tabinta xaaladaha bini’aadannimada, xaqiijinta wararka ay tabiyaan marka lagu jiro xaaladaha deg degga ah iyo ka taxadarka amnigooda.

Ugu dambeyn ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo mas’uuliyiinta la joogay ayaa shahaadooyin cadeynaya aqoon iswaydaarsiga waxaa ay guddoon siiyeen weriyayaashii tababarka ka qeyb galay.