Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha oo u Kuurgalay Xaalada Dhaawacyo Loo Geystay Ciidanka Dab-demiska

Hargeysa – (warsoor) Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa u kuurgalay xaalada Dhaawacyo loo geystay Ciidanka Dab-demiska iyagoo ku jira Hawlgalo Qaran oo Badbaadin ah, waxaanuu wasiirku indhihiisa ku soo arkay dhamaan xaalada askartaas.

Dhanka kale Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyay Xarumaha Bariga iyo Galbeedka Ciidanka Dab-demiska Magaalada Hargeysa waxaana halkaa ku soo kormeeray dhismayaasha xarumahaasi oo soconaya, taasi oo ka dambaysay kadib markii magaalada Hargeysa aad u ballaadhatay isla markaana isku socodka gaadiidka iyo waddooyinku uu noqday mid aad u cidhiidhiya.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa halkaa ka hadlay waxaana halkaa ka sheegay in xarumahan cusub loogu talagalay in ciidanka Dabdemisku ka gurman karo meel kasta oo caasimada ah si ay u fududaato in hawlgalada dabka sida ugu macquulsan loo gaadhi karo. Dhanka kale waxaa uu taliyuhu sheegay in xubno ka mida ciidanka dabdemiska caasimada hargeysa lagu soo dhawaacay hawlgalo dab oo ay ka fulinayeen degmada gacan libaax sidoo kale ciidanku iyadana iyagoo ku jira hawlgal iskaa wax u qabso ah lagu soo weeraray xarunta dabdemiska macallin haaruun.

Ugu dambayn wasiir maxamed muuse diiriye ayaa sheegay in ciidanka dabdemisku qabteen waxqabad la taaban karo oo lagu faani karo waxaanuu tilmaamay inay muhiim tahay in dabdemiska la gaadhsiiyo caasimada Hargeysa maadaama saxmada magaalada iyo caasimada oo sii fidaysa aanay suuragal ahayn in meelaha qaar si fudud lagu gaadho. Dhanka kale wuxuu wasiirku fariin u diray bulshada ku dhaqan caasimada iyo guud ahaanba Somaliland inay la shaqeeyaan ciidanka dabdemiska si gaara wuxuu tusaale ugu soo qaatay wasiirku dhaawacyo ciidanka la soo gaadhsiiyay iyagoo gudanaya waajibaadkoodii qaran ,waxaanuu wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatooyinkaa iyo hagardaamadaa loo geysanayo ciidanka dabdemiska oo markastaba u adeega bulshadooda.

Ugu dambayn waxaa iyaguna dhankooda shahaado sharaf gudoonsiiyay ciidanka dabdemiska qaranka iskuulka lagu magacaabo Aqoonyahan school of English waxaana ay u sababeeyeen hawlgalada nafhurida ah ee ciidanka dabdemisku ka fuliyeen caasimada gaar ahaan dhacdooyinkii u dambeeyay ee suuliyada , godadka iyo bulllaacadaha ciidanku kaga soo badbaadiyay dad iyo xoolaba, waxaana shahaadada ka gudoomay taliyaha guud ee ciidanka dabdemiska Qaranka Axmed sawaaxili.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.