Wasiir Hore, Hinda Gaani Oo Ka Hadashay Dad Loo Xidh-xidhay Inay Diinta Kiristaanka Faafinayeen


HARGEYSA (WARSOOR) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Hinda Jaamac (Hinda Gaani), ayaa ka hadashay dadka loo xidh xidhay fiditaanka diinta kiristaanka, waxayna sheegtay in talaabo adag laga qaado cid kasta oo isku dayda inay la timaaddo wax ka baxsan diinta islaamka.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Hinda Jaamac Xirsi (Hinda Gaani), oo u warrantay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkeedii ku bilawday “Ciidamadeena iyo Dawladdeenaba waan uga mahadnaqayaa talaabada lagu soo qab qabtay dadka la sheegay inay diinta kiristaanka fidinayeen, cid kasta oo wadda arrintan foosha xun iyo arrimaha la midkaba ahba waa in gacanta lagu soo dhigaa, oo sharciga la hor keena, maxaa yeelay inagu waxaynu nahay muslim, waxaynu haysaana diinta qudha ee xaqa ah oo ah diinteena islaamka, oo ALLE inoogu soo dhiibay Rasuulkeena Muxamed naxariis iyo nabadgalyo kor kiisa ha ahaatee, waxaa dhalinteena iyo dadkeenaba looga baahan yahay mar kasta inay iska ilaaliyaan wax kasta oo sharaftooda iyo caqiidadooda ka hor imanaya, muddooyinkii ugu dambeeyayna dadkeenu gaar ahaan dhalinyaradu waxay aad u isticmaasha baraha bulshada, laakiin anigu waalid ahaan waxaan dhalinyarada leeyahay baraha bulshada dhinaca khayrka leh u isticmaala, oo dhinaca samaha u isticmaala, oo mar kasta wanaag iyo khayr kaga hadla, oo ka dheeraada in dhinaca sharka aad u isticmaashaan, Macalimiinta, Waalidiinta iyo Bulshada inteeda kalena waxaan leeyahay waa inaynu mar walba ka war haynaa dhalinteena, oo aynu ka ilaalinaa wax walba oo masiirkooda iyo caqiiqdadooda ka hor imanaya, Dawladduna waa inay mar walba talaabo adag ka qaada cid kasta oo fidno iyo dhaqan dooris wada”.