Wasiir Cukuse oo Jawaab Cad ka Bixiyey Hadallo Naxli Xambaarsan oo Kasoo Yeedhay Murrashaxa WADDANI

Boorama (warsoor)- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa jawaab waafi ah ka bixiyey hadallo milgaha ka baxsan oo dhawaan kasoo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), kuwaas oo bulshada dhexdeeda ka abuurayey isku dhacyo iyo naxli horleh.

Wasiir Cukuse oo ka hadlay fagaaraha khayriyada magaalada Boorama oo ay isugu soo baxeen taageerayaasha KULMIYE maanta, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay hadallo naxli badani ku jiray oo uu murrashaxa WADDANI u jeediyey reer Boorama, waxaannu isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xisbiga WADDANI shalay halkanuu (Boorama) yimi oo wuxuu idiinka sheekeeyey rabshado iyo aflegaaddo warqad laga akhriyayo, anigana aflegaaddo warqad laga akhriyayo tii Guddoomiye Cirro ayaa iigu horraysay, nin xanaaqsan uun baa aflegaadoon jiray, laakiin aflegaaddo laga soo shiray oo warqado laga akhriyo taasaa iigu horraysay.”

Md. Cukuse waxa uu caddeeyey in bulshada reer Somaliland oo dhammi waqti hore iska laab-xaadheen utumihii soo kala dhexmaray, cidda waqtigan naxligaas soo noolaysaana ay tahay cid guudldarraysatay, “Dalkeena muddadii 27-ka sanadood ee uu jiray meel aan dagaal sokeeye ka dhicini ma jirto waase laga heshiiyey oo waa la ilaaway, laakiin ninka maanta xoqayaa waa nin aan waxba haysanin,” ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.

Wasiir Cabdilaahi Cukuse waxa uu su’aal geliyey doorkii uu murrashaxa WADDANI ku lahaa qaranka Somaliland horrayso iyo dambayso midnaba, isaga oo tilmaamay in taariikhda keliya ee Guddoomiye Cirro leeyahay tahay dagaalkii uu ku qaaday ku-xigeenkii Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Anigu intaasba waan soo taagnaa oo weriye ayaan ahaan jiray, taariikh badanna waan hayaa, haddii ay doonayaan Muuse waa kuma, Muuse wuxuu kamid yahay kuwii nabadda soo dhisay min Boorama ilaa Ceerigaabo wixii la dhisay ninkii wax kasoo dhisay, laakiin ninka ay tartamayaan (Cabdiraxmaan Cirro) qalad iyo sax midna muu gelin, laakiin haddii laga tegi waayo beri buu Baashe Feedhay baan xasuusnahay, waxaanse leeyahay taasna waa lagaa saamaxaye aflegaadada iska daayoo wixii aad hayso ee aad dadka u qabanayso la kaalay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.