Wasiir Beyle oo shir muhiim ah uga qeyb galay Mareykanka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Washinton DC, kaga qeyb galay Shirka Iskaashiga waddamada Geeska Afrika.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray wada shaqeynta iyo Iskaashiga iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo Maalgalinta dhammaan dalalka Geeska Afrika.

“Waxa aan ka qeyb galay Shirka Iskaashiga Wadamada Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) oo ah heerka Wasiirada Maaliyadda, kaa soo lagu qabtay Magaalada WashingtonDC” ayuu yidhi Wasiir Beyle.