Wasiir Bayle”IMF way ku qanacday dhamaan sidii aan uga soo baxnay shuruudihii SMP3″

Adis Ababa – (warsoor) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maalintii labaad Magaalada Adis Ababa kaga qeyb-galay Shir Looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaa maalinkii 2aad inoo socda shirka dib u eegista Barnaamijka sadexaad ee Deyn Cafinta Soomaaliya (SMP3) ee aan la leenahay Hey’adda lacagta aduunka ee IMF”.ayuu yiri Wasiir Bayle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ay ku qanacday dhamaan sidii Dowladda ay uga soo baxday shuruudihii SMP3, isagoo rajeeyay in uu guul ku soo dhamaado shirkaasi maalintii labaad ka socda Magaalada Adis Ababa.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.