Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska JSL oo madbacadda qaranka ku wareejisay daabacaadda manhajka waxbarasho ee dalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska JSL ayaa madbacadda qaranka ku wareejisay daabacaadda manhajka waxbarasho ee dalka.

Munaasibadda ay ku kala saxeexdeen heeshiisha daabacaadda Manhajka wasaaradda waxbarashada iyo madbacadda qaranku waxa goobjoog ka ahaa wasiirka waxbarashada, Wasiirka Cadaalada, Mareeyaha madbacadda qaranka iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in Wasaaradda waxbarashada iyo Madbacadda qaranku ay kala saxeexdeen heshiish wada shaqayneed sidoo kalena madbacadda qaranka lagu wareejiyay qoraalkii rasmiga ahaa ee laga daabaci lahaa buugaata.

Maxamuud Raagge maareeyaha madbacadda qaranka  ayaa sheegay inay daabici doonaan manhajka waxbarashada ee dalka isla markaana ay awood u leeyihiin haystaana qalab iyo mashiino casri ah.

Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in wasaaraddu ay daabacaadda manhajka ku wareejiso madbacadda qaranka taasna ay awood u leedahay madbacadda qaranku.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in cid kale aanay buugaagta manhajka daabici karin marka laga reebo cidda amar ka haysata madbacadda.