Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL oo Dhagax Dhigay Dhismaha hoyga Ardeyda ee Kulliyada Tabobarka Macallimiinta

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Md.Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)oo uu wehelinayey wasiir kuxigeenka WW&S Dr.Cabdixakiim Siciid Muuse (Bustaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha hoyga ardeyda ee kulliyada tabobarka macallimiinta ee magaalada Hargaysa.

Dhismahan oo laga maalgelinayo mashruuca (Global Partnership for Education GPE) oo ay waddamada qaadhaan bixiyayaasha ahi ku maal-geliyaan waxbarashada Somaliland, kaas oo ay hay’ada caalamiga ah ee SCI ay hirgelintiisa u soo igmadeen, wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Jamhuuriyadda Soamaliland na ay dabagalkiisa iyo isku dubaridkiisa ay leedahay.

Ugu horeyn, waxa munaasibadaa ka hadlay madaxa mashaariicda hay’ada SCI ee xafiiska Somaliland Cabdinaasir Cali Sahal waxaanu ka war bixiyey wada shaqaynta balaadhan ee ay hay’ada SCI la leedahay WW&S iyo dhismahan maanta laga dhagaxdhigay kulliyadda tabobarka macallimiinta qaranka.

Guddoomiyaha kulliyadda tabobarka macallimiinta qaranka Axmed Cumar Quule oo isaguna munaasibadaa ka hadlay ayaa ka mahadnaqay mashaariicda dhismayaashan maanta loo dhisayo kulliyada kuwaas oo uu sheegay in ay wax badan ku soo kordhin doonaan.

Agaasimaha guud ee hay’ada SCI ee Somaliland Maxamuud Maxamed Xasan ayaa isaguna ka hadlay munaasibadaa dhagax dhiga ah, waxaanu sheegay in ay sii wadi doonaan wada shaqaynta ay la leeyihiin wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Dr.Cabdixakiim Siciid Muuse ayaa isaguna tilmaamay muhiimada kulliyada tabobarka macallimiinta iyo faa’iidooyinka ay waxbarashada ku soo kordgin doonto haddii la sii horumariyo.

Ugu danbayn, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Axmed Maxamed Diiriye ayaa munaasibadaa ka sheegay in ay wasaaradda waxbarasgada iyo sayniskuna miisaaniyada qaranka ka dhisi doonto dhismayaal lagu kordhin doono kulliyada tabobarka macallimiinta qaranka.

Geesta kale, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo saynisku waxa uu uga mahadnaqay waddamada qaadhaan bixiyayaasha ee mashruuca GPE iyo hay’ada SCI gacanta dhaqaale ee ay ka geystaan waxbarashada Somaliland.