Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Dakhligii ay qabatay ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda

Muqdisho – (Warsoor) – Si loo hormariyo hanaanka Dowlidnimada loona mideeyo maamulka dakhliga dhamaan Hay’addaha dawliga ah, ayaa maanta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlada Federaalka ay ku wareejisay Wasaaradda Maaliyada  Dakhliga soo galo maadaama ay u xilsaaran tahay in ay halmeel isugu geyso.

ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta Wasaaradda Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada iyo masuuliyin ka socotay labada wasaaradood.

Wasiirka Wasaaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la mideeyo hanaanka maamulka dakhliga taasoo ula jeedadu tahay in la gaaro hufnaan maaliyadeed.

Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in hanaankan Maaliyadeed uu damaanad qaadayo in si hufan loo maamulo dakhliga dawladda.

Horey ayay Wasaaradda Maaliyadda dhowr Wasaaradood ugala wareegtay dakhliga ay uruuriyeen, taas oo lagu shubay Bankiga dhexe ee dalka.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.