Wasaaradda Tamarta Oo Sheegtay In Qiimo Dhimis Lagu Sameeyay Adeega Laydhka Ee Gobolka Sool

HARGEYSA – (WARSOOR) -War ka soo baxay wasaaradda macdanta iyo tamarta soona gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa lagu sheegay lagu sheegay in laga bilaabo bishan 3aad in qiimuhu noqon doono sidan:-

  •  Guryaha dadweynaha halkii yunit waxa hore looga qaadi jiray 0.80 dollar, qiimaha cusubina wuxuu noqon doonaa 0.5 doollar.
  •  Ganacsiga yar yar hakii yunit waxa laga qaadi jiray 0.70 doollar, qiimaha cusubina wuxuu noqon doonaa 0.50 doollar.
  •  Ganacsiyada waawayn halkii yunit waxa hore looga qaadi jiray 0.50 doollar, qiimaha cusubina wuxuu noqon doonaa 0.30 doollar.
  •  Halka goobaha kale ka baxsan intaas qiimihii hore looga qaadi jiray uu ahaa 0.70 doollar, halka uu imika qiimaha cusubina noqon doono 0.50 doollar.

Ugu dambayn warsxaafadeedkaas ka soo baxay wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland waxa lagu sheegay in wasaaraddu sii wadi doonto dadaaladeeda ku aadan in muwaadiniinta Somaliland ay helaan adeeg laydh oo qiimihiisu jaban yahay.