Wasaaradda Shaqogelinta Oo Soo Qaban Qaabisay Kulan Lagaga Hadlaayay Tacaddiyada Haweenka

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasaaradda Shaqogelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland ayaa soo qaban qaabisay kulan lagaga hadlaayay la dagaalanka iyo ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka.

Kulankan waxa kasoo qayb galay agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha warfaafinta iyo arrimaha bulshada iyo qoyska, guddoomiyaha guddida maamul wanaagga Somaliland, xubno ka socday ururrada naafadu ay ku midaysan yihiin, qareenno, saraakiil ka socootay hay’adaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Weycigelinta ee Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay wasaarad ahaan ay ka qayb qaadanayaan dedaallada lagula dagaalamayo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, gaar ahaan weycigelinta bulshada iyo sidii loog dheeraan lahaa dambiyada ka dhanka ah haweenka.

Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa Dayib Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in waajib qaran ay tahay sidii loo cidhib tiri lahaa tacaddiyada iyo dambiyada ka dhanka ah xuquuqda haweenka, isagoo tilmaamay in hay’adaha dawladdu ee ay arrintani khusayso inay iska kaashadaan sidii loo abuuri lahaa xeerkii lagula dagaalami lahaa tacaddiyada haweenka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqo gelinta arrimaha bulshad aiyo qoyska Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shaeegay in wasaarad ahaan ay ka shaqayn doonaan sidii loola dagaalami lahaa tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, oo uu sheegay in waajib qaran ay tahay in la daryeelo haweenka, agaasimuhu waxa uu intaas ku daray in kulanka noocaan ah ay wasaaraddu sii wado doonto.

Gebogebadii, qaar ka mid ah hawlwadeennada ururrada u dhaq dhaqaaqa haweenka iyo daryeelkooda, ayaa iyaguna carrabka ku adkeeyay sidii loola wada dagaalami lahaa tacaddiyada haweenka, oo ay sheegeen in muhiim ay u tahay guud ahaan bulshada, waxaana ay dhiirrigeliyeen in la sameeyo xeerkii lagula dagaalami lahaa dhibaatooyinka haweenka ku dhaca, oo ay Baarlamaanku ay ansixiyaan.