Wasaaradda Shaqogelinta, Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Ee Somaliland Oo Burco Ku Qabatay Maalinta Carruurta

Burco – (WARSOOR) – Wasaaradda shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska ee Somaliland ayaa magaalada Burco ku qabatay xus loogu dabaaldagayo maalinta caruurta adduunka, oo sannad walba laga xuso dunida.

Waxaana kasoo qaybgalay munisabaddaasi qaar ka mid ah isu duwayaasha laamaha dawladda ee gobolka, iyo mari Sharaf kale. Ugu horreyn waxa goobtaasi ka hadlay, Isu duwaha Wasaaradda Shaqogelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Ismaaciil Axmed Xayir, oo uga mahadceliyay kasoo qayb galayasha maalinta carruuta, oo uu tilmaamay inay tahay maalin mudan in la qiimeeyo.

Waxaana uu intaas raaciyay isu duwuhu inay  samaynayaan shuruuc lagu ilaaliyo xuquuqda carruurta, maadama carruurtu ay tahay aadmi nugul dhibaatooyin kasta.

Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay qaar ka mida haya’daha waddaniga ah ee ka shaqeeya arimaha caruurta oo sheegay inay hanbalyaynayaan dhamaan carruurta adduunka ku nool, gaar ahaan kuwa Somaliland maalinta munaasibaddooda awgeed.

Gabagabdii xubno ka mida isu duwayaashii iyo martidii kale ee kasoo qeyb gashay xafladda ayaa halkaasi ka sheegay hadallo la xidhiidha xuska maalinta caruurta oo ah maalin dunida oo dhan laga xuso.