Wasaaradda Shaqo Gelinta Somaliland Oo Hargeysa Ku Qabatay Kulan Lagaga Hadlaayey Xeerka Dhawrista Carruurta

HARGEYSA – (WARSOOR):-Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska Somaliland ayaa magaaladda Hargeysa ku qabatay kulan lagaga hadlaayey xeerka dhawrista Carruurta oo horyaalla mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland.

Kulankan waxa kasoo qayb galay mudaneyaal ka tirsan xildhibaanadda Golaha Guurtida Somaliland,Hay’addaha ka shaqeeya Arrimaha Carruurta iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqo gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska Somaliland.

Ugu horeyn waxa kulankaasi ka hadashay Agaasimaha waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Filsan Xuseen Khaliif, waxaanay tilmaantay in xeerka Dhawrista Carruurta ay in badan wasaaradda Shaqo Gelintu gacanta ku haysay, waxaanay sheegtay in ay rajeynayso in Golaha Cusub ee Wakiiladda Somaliland uu ansixin doono.

Dhinaciisana Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xeerkan Dhawrista Carruurta laga soo shaqaynaayey muddo dheer oo toddoba sanno ah,waxaanu cadeeyey in xeerkani faa’iidooyin badan u lee yahay carruurta reer Somaliland, isaga oo tilmaamay in xeerkani carruurta Xuquuqdooda dhawraayo.

Agaasime Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in xeerkani waqtigan ku jiro ajandaha kal-fadhiga Golaha Wakiiladda ee cusub, waxaanu sheegay in ay xildhibaanaddu ansixin doonaan xeerkan doodaha ay ka yeelan doonaan ka dib.