Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland oo Shaacisay Adeeg Cusub

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo tiknoolajiyadda Somaliland ayaa soo bandhigtay adeeg cusub oo midaynaaya dhammaan nidaamyada kala duwan ee hay’addaha dawliga ahi ku shaqeeyaan.

Kulankaas oo ka qabsoomay Wasaaradda isgaadhsiinta iyo arrimaha tignoolajiyadda Somaliland, waxa qatb ka ahaa masuuliyiin ka socotay Safaarada Taiwan iyo madaxda waaxyaha kala duwan ee wasaaraddaas.

Agaasimaha guud ee wasaarada Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyada Aamina Xuseen, ayaa sheegatay in wasaaradu wado Dadaalo kor lagu qaadayo Teknoolajiyada guud ee qaranka, waxaanay intaas ku dartay in adeegan cusub ee ay soo bandhigeena uu ka mid yahay dar-dar gelinta hawasha ay wasaarad ahaan qaranka u hayaan.

Wasiirka wasaarada Isgaadhsiinta iyo teknoolajiyada Somaliland Dr.  Cabdiwali Sheekh Cabdilahi Suufi ayaa sheegay in adeegaasi yahay mid waxtar u leh wadaagida xogaha kala duwan ee hay’addaha dawlada, isla markaana wasaaraddu sii horumarin doonto.

Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha ganacsiga, qorshaynta, Arimaha gudaha iyo gaadiidka ayaa soo dhaweeyay Nidaamka cusub ee wadaagista xogaha hay’adaha dawlada, waxaanay sheegeen inay wasaaradda gacan ka siin doonaan sidii adeegaasi u noqon lahaa mid ay adeegsadaan hay’addaha dawladu, iyagoo wasaaradda ku bogaadiyay shaacinta adeegaas.