Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland oo Samaysay Mareegaha Xidhiidhka Xarumaha iyo Laamaha Dawladda

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada C/weli Sheekh C/laahi Suufi, ayaa sheegay in ay sameeyeen Email-lo, loo sameeyay xarumaha iyo laamaha dawladda oo ay isticmaalayaan masuuliyiintu si ay xogtu u noqoto mid kaydsan ammaan ah Qarankana aan ka lumin.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada C/weli Sheekh C/laahi Suufi, ayaa sheegay in masuuliyiinta dawladdu ay hore u adeegsan jireen Hot-mail iyo G-mail, balse imika la sameeyay mid Qaranku leeyahay oo ay tahay in masuuliyiinta dawladu isticmaalaan si xogtu u noqoto mid qaranku leeyahay oo aanay u lumin.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada C/weli Sheekh C/laahi Suufi, waxaa kale oo uu sheegay in ay sameeyeen degelada Internet-ka Qaranka iyaga oo xarumaha iyo laamaha dawladda u sameeyay 55-mareegood oo uu ku jiro mid guud oo Qaranku leeyahay taas oo ay dhawan daahfuri doonaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay rasmi ka dhigeen bogaga internet ka sida Facebook iyo Twitter, si ay xaqiiqo u noqdaan wararka iyo xogaha ay xafiisyada dawladu u gudbinayaan bulshada.