Wasaaradda Isgaadhsiinta JSL oo Daahfurtay Nidaamka Wadaaga Xogta Dawladda

HARGEYSA – (WARSOOR) – Mashruuca S-Road, oo ah Nidaam electronic ah oo fududaynaya isku xidhka nidaamyada dawladda iyo wadaaga xogaha (data Exchange) ayaa maanta ay wasaaraddu ku daahfurtay xarunta guud ee wasaaradda.

Nidaamkan ayaa hirgalintiisa ay iska kaashan doonaan wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Safaaradda Taiwan.

Hirgalinta Nidaamkan oo isku xidhi doona dhammaan wasaaraddaha iyo hay’adaha dawladda ee xogaha bulshada gacanta ku haya, ayaa wax badan ka badali doona qaabka bulshadu u hesho adeegyada kala duwan ee dawladda.