Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Oo Kulan Wada Tashiya La Qaadatay Ururadda Bulshadda

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa magaaladda Hargeysa ku qabatay kulan ay ugu magac dartay Kulanka wada tashiga bulshadda Rayidka ah iyo wasaaradda horumarinta Maaliyadda ee diyaarinta Miisaaniyad dawladda sannadka 2022.

Kulankan waxa kasoo qayb galay wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Muuse Ibraahim Yuusuf, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maxamed Cabdi Gurxan, qaar kamid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland iyo qaar kamid ah ururadda bulshadda rayidka ah.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ay ururadda bulshadda rayidka ahi talo iyo tusaale ugu darsan lahaayeen dejinta odoroska Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2022-ka, iyada oo ugu horeyn Agaasimaha waaxda miisaaniyadda ee wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu uu goobtaas kusoo bandhigay warbixin la xidhiidha marxaladaha ay miisaaniyaddu marto iyo sida loo isticmaalo.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland oo isna kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in kulankaasi qayb ka yahay hab-raacyadda loo maro dejinta miisaaniyadda Qaranka,isaga oo goobtaas ku faah faahiyey hababka loo maro samaynta miisaaniyadda Qaranka Somaliland,isaga oo tilmaamay in waqtigan la joogo xiligii wax laga weydiin lahaa bulshadda,madaama oo jaran jarada afraad ee samaynta miisaaniyadda wax laga weydiiyo bulshadda.

Ugu dambayna xubno kamid ah ururadda Bulshadda oo goobta kulanka ku sugnaa ayaa su’aalo ku saabsan Miisaaniyadda weydiiyey wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.