Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay 18 Kiis oo Cusub oo Coronavirus ah

Hargeysa – (warsoor) – Tirada guud ee laga baadhay cudurka Corona Virus ayaa ah 91-qof waxaana cudurkaasi laga helay 18-qof oo isugu jira 14-qof oo u dhashay Somaliland iyo 4-qof oo ajaanib ah, bukaanadan ayaa isugu jira 13-rag ah iyo 5-qof oo dumar ah.

Bukaanadan laga helay xanuunka ayaa da’doodu u dhaxaysaa 20-jir ilaa 100, jir. Dadka xanuunka laga helay 14-qof waxaa ay degenyihiin magaaladda Hargeysa halka 4-qofna ay degenyihiin magaaladda Berbera.

Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee Somaliland oo warbixinta maalin laha ah ee Cudurka Corona Virus la wadaagayay warbaahinta ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in aanay dhayal san cudurkan isla markaana ay qaataan kuna dhaqmaan fariimaha wacyigalinta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ay ka waddo dalka.