Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo Qalab Caafimaad iyo Gaadiid kala wareegtay Safaaradda Taywan ee Somaliland iyo Hay’adda Save The Children

Hargaysa – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Cumar Cali Cabdilaahi (Bade) oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Dr Maxamed Cabdi Xirgeeye ayaa qalab caafimaad kala wareegay safaaradda Taywaan ay ku leedahay Somaliland.

Qalabkaasi caaafimaad ayaa loogu talogalay la tacaalidda xanuunka Covid-19 oo dunida kusoo labakacleeyay. Ugu horreyn waxa goobtaasi ka hadlay safiir ku xigeenka safaaradda Taywaan ee Somaliland oo ka waramay qalabka caafimaad ee ay ku wareejinayaan Somaliland, isaga oo sheegay in qalabkani uu ka mid yahay dedaalada dhinaca caafimaadka ee dawladda Taywaan ay ka taageerayso Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Cumar Cali Cabdilaahi (Bade) ayaa u mahad naqay dawladda Taywaan iyo shacabkeeda oo uu sheegay in ay wax badan tareen Somaliland intii ay cilaaqaadka wanaagsan ay yeesheen, waxaanu tilmaamay in ay dalka ka wadaan mashaariico kala duwan oo aan caafimaadka oo keliya aheyn, isaga oo sheegay in ay taasi ku timid isfahanka iskaashi ee dhex maray labada dal.

Safaaradda Taywaan ee Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kaalmooyin isdaba joog ah la ku taageertay Somaliland, taas oo qayb ka ah iskaashiga labada dal ee Somaliland iyo Taywaan.

Geesta Kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa Qalab Caafimaad iyo Gaadhi Ambalaas ah kala wareegay hay’adda Save the Children.

Agaasimaha Guud ayaa uga Mahadnaqay Hay’adda Save The Children Gaadhigan iyo Qalabkan Caafimaad ee ay Wasaaradda soo gaadhsiiyeen kuwaas oo wax weyn ka taraya baahida dhinaca caafimaad ee bulshadda.