Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska JSL ayaa fulisay olole lagu dabo gelayo dhaqangalka wareegto uu Agaasimaha guud ee Wasaaraddu kasoo saaray qiimaha shidalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska JSL ayaa maanta bilowday olole lagu dabo galayo qiimaha shidaalka oo dhowaan Agaasimaha guud ee Wasaaraddu uu wareegto kasoo saaray qiimaha lagu iibinayo, sidaa darteed Wasaaraddu iyadoo hubinaysa dhaqan galka wareegtadaas waxa uu Agaasimaha guud ee Wasaaraddu faray kooxaha Wasaaradda u qaabilsan dabo galka Liisamadda, Qiimaha Maceeshada iyo Shidaalku inay saaka ka bilaabaan gobolka Maroodi jeex gaar ahaana Caasimada Hargeysa Olole ku saabsan hubinta ku dhaqanka wareegtadaas lagu xadiday qiimaha shidaalka isagoona kula dardaarmay in ay si xilkasnimo leh u gud taan shaqadaas.

Waxaana hormuud u ahaa kooxda dabo galka samaynaysay isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Maroodi jeex, hawl galkan lagu dabo gelayey qiimaha shidaalka ayaa waxa maanta laga fuliyey Degmooyinka Caasimada Hargeysa kuwaas oo ay shaqaaluhu kala kulmeen Kaalmihii shidaalka ee ay kormeereen inay badan koodu sidii loogu talo galay u fuliyeen qiimihii Wasaaraddu u jartay. Halka tiro aad u kooban oo qiimahaas ka sareeyeyna isla markii lala kulmay amar lagu siiyey inay fuliyaan wareegtadaas sidoo kalena looga digay in aanay dhaafiyaan qiimaha loo ogol yahay mudada loogu talo galay in ay wareegtadani shaqayso.

Wasaaradda waxaa ka go’an in ay markasta ka jawaabto baahiyaha Bulshada ay u adeegto islamarkaana ay si dhexa isugu dheeli tirto Ganacsatadda iyo Muwaaadiniinta kale ee wax ka iibsada, waxaana Wasaaraddu sii wadi doontaa dabagalkan oo si joogto ah u socon doona iyadoona talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Ganacsatada u hogaan sami weyda amaradda laysugu dheeli tirayo Ganacsadaha iyo muwaadiniinta ka adeegta.

Ugu dambayntiina, waxa kooxda daba galku ku guulaysteen inay soo hubiyaan intabadan qiimaha ay shidaalka ku iibinayaan kalmaha kala duwan ee Caasimadda Hargeysa ku yaala, iyagoona sixid ku sameeyey tiradii yarayd ee dhaaftay qiimihii loo jaray.

           Allah Mahad Leh

Xafiiska warbaahinta Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska JSL

Ku xidhnow Baraha Bulshada ee Wasaaradda:
Facebook: https://www.facebook.com/Somaliland.Trade.Industries
YouTube: https://www.youtube.com/channel/UCEobpSfS-4mkgO4aLhQKVow
LinkedIn: https://www.linkedin.com/company/somaliland-ministry-of-trade-industries-and-tourism/jobs/
Twitter: https://twitter.com/SLMotit