Wasaaradda Ganacsiga oo Daahfurtay Xafiiska Midaynta Liisamadda Ganacsi

Hargaysa – (warsoor) -Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Mudane Maxamud Xasan Sacad Saajin ayaa Magaaladda Hargaysa ka daahfuray hirgelinta nidaamka diiwaangelinta casriga ah ee xafiiska midaynta Liisamadda Ganacsiga.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen wasaaradaha ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska oo kaashanaysa Baanka adduunka iyo Shirkadaha hirgalinaya Nidaamkan cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday wasaaradda Maaliyadda, iyo Xafiiska xeer ilaalinta .

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay agaasime waaxeedyada qorshaynta iyo Tiknoolajiyadda oo ka waramay barnaamijka hirgalinta nidaamka diiwaangelinta casriga ah ee midaynta Liisamadda ganacsi kaasi oo sahlaya in Ganacsatadu iyagoo jooga goboladda dalka ka diiwaangashan karaan ganacsigooda.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay mas’uuliyiin ka socday shirkadaha iyo hay’adaha fududaynaya barnaamijkan .

Gabo gabadii Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Mudane Maxamud Xasan Sacad Saajin ayaa ka waramay ahmiyadda uu barnaamijkani u leeyahay ganacsatada somaliland ee goboladda dalka ku sugan kuwaas oo markii hore caasimadda dalka u iman jiray diiwaangelinta ganacsigooda laakiin hada wixii ka danbeeya ay iyagoo Goboladda dalka jooga ay hannaan online ah ku soo dalbadanayaan diiwaangelinta ganacsiyadoodda.