Wasaaradda Gaadiidka Oo Daahfurtay Sumadda Cusub Ee Gaadiidka Somaliland (Plates Number)

Hargaysa – (warsoor) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Soomaaliland ayaa daahfur ku samaysay Suamadd cusub oo ay yeelan doonaan Gaadiidka Dhulka ee Soomaaliland, sumadan cusub oo ay Wasaaraddu u aragto in ay joojindoonto Lanbarkii Gaadiidka ee qiimo dhaca keeni jjiray marka lanbar kka danbeeyaa soo baxo iyo soo iibsashadii gaadiidka badan ay  dadweynuhu ku dawkhi jireen, sidoo kale waxay Wasaaraddu u aragtaa in Sumaddani wax weeyn ka tari doonto xaga Amiga Wadanka iyo in gaadhiga lagu iibsado qiimaynta tayadiisa (Condition), munasibada daahfurka oo lagu qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargaysa, ayaa wax ka soo qayab  galay Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiirka Gaashaandhiga JSL, Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka, Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka, Agaasimaha Guud ee Amniga Arimaha Gudaha, Xubno ka socda Xafiiska ingiriiska ee Hargaysa Wakiilka Dawlada Jabuuti ee Soomaaliland Saraakiil Ciidanka Booliska ah iyo Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka, Hawlwadeenada   Wasaaradda Gaadiidka, iyo kuwa Hay’adda Wadooyinka, Masuuliyiin iyo Martisharaf kale.

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Jidadka JSL C/laahi Abokor Cismaan oo halkaasi ka hadlaya ayaa  hadalkiisa ku bilaabay:-“Wasiirada nala jooga, agaasimeyaasha, saraakiisha ciidanka iyo shaqaale weynaha Wasaaradda dhamaantiinba waxaan idinku salaamayaa, waxaan jecelahay inaan idiin soo bandhigno Sumadda gaadiidka, sida hore loo sheegay wax ka bedelka lagu sameeyey sumadda gaadiidka waxa jidaynayaa xeerka 35 ee 2018 ee la ansixiyey 2013-kii, kaasi oo qodobkiisa 48-aad farqadiisa 2-aad ayaa waajibinaysay in gobolo laga dhigo, taasi inaga oo dabaqayna xeerkaasi ayey waajib noqotay inaynu wax ka bedel ku samayno”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan jecelahay inaan ka hadlo waxyaabaha uu inagu soo kordhinayo Sumaddan gaadiidku oo kaliya maaha in sumadda la idin siinayo uun ee waxa uu gali doonaa Xog kaydsan (Data base), kaasi oo xogtii qofka laga heli doono, waxaana wada soconaya Data base kii iyo Plate Numberkii, markii hore si Manual ah ayaa loo diiwaan galin jiray, balse imika nambar walbaaba waxa uu yeelanayaa xog u gaar ah, waxa kale oo muhiim ah nambarkani waxa uu yeelanayaa astaantii qaranka oo aan masaxmaynin oo markii hore waa ay inaga masaxmi jirtay, waxa kale oo aanu ka saarnay nambarkii Carabiga ahaa, waxa laga yaabaa inay dadku isweydiiyaan tolow maxay Somaliland carabiga uga saartay, waxa jirta daraasad la sameeyey oo ay wasaaraddu samaysay, kuwaasi oo 22 waddan ee ka tirsan Jaamacadda Carabta 14 ka mid ah waxa ay isticmaalaan Latin, markaa 64% ayey ka noqonaysaa 8% waxa ay isticmaalaan Carabi iyo Laatiini, markaa waxaanu aragnay in marka Carabi la isticmaalo ay xuruuftu yar yaraanayso  markaa si aanu uga faa’iidaysano in xuruuftu waaweynaato oo si fog loo arki karo oo masaafo dhan 800 M waa in qofku si fiican u arki karaa, sababtaasi aawadeed ayaa looga saaray Carabigii, laakiin Khariidada Somaliland ayaa lagu soo daray, waxa kale oo aan jecelahay inaan idinla wadaago kolay qolada Macdaradu waxa ay ina weydiinaayeen, suaalo badan, waxaanan jecelahay inaan jawaabahooda halkan ku soo koobo, waxaanu idiin balan qaadaynaa inaad yeelan doontaan Nambaro gaar ah oo kuwo ganacsi ah, laakiin waxa ku xidhnaan doona shuruudo shuradahaasi waxa ka mid ah, qofku inuu marka hore yahay ganacsade liisan ka haysta dawladda, marka labaad waa inuu leeyahay goob lagu yaqaano, markaa markaad shurudahaasi soo buuxisaan waxaad gaar u yeelan doontaan Nambaro ganacsi oo aad gaar u yeelataan oo halmar la idin siiyo si ay hadhaw u fududaato kala wareejintu, Nambarkan cusub muddo lix bilood ah waxa uu noqon doonaa doorasho (Option), mudadaasi ka dib waxa uu noqon doonaa waajib in qof kastaaba bedelo, sidoo marka xogtan la sameeyo qof walbaaba waxa uu heli doonaa fariin lagu odhanayo hebeloow/heblayooy cashuurta iska soo bixi, waxaanu jecelahay in nidaamkan qoriga lagu hor istaagayaa inuu meesha ka baxo oo aanu qofku ka baqan qori ee uu ka baqo ganaax, had iyo jeer waxa la yidhaahdaa dawladdani waa dawlad aamusan oo afka biyo uga buuxaan, markaa inta badan waxaanu ku mashquulsanahay waa hawl, waxaananu idiin sheegaynaa in buuggii gaadhiga iyo Liisankii gacanta dawladda dib loogu soo celin doono dhawaan hawsheediina waa la wadaa”

Waxaa isna halkaas ka hadlay Wasiirka Gaashaan Dhiga JSL Ciise Axmed Xawar oo yidhi:- “Waxaan ugu hamblayeynayaa Wasiirka iyo kooxdiisu talaabadan horumarka leh ee ay qaadeen, qaybta aan ka eegi karo waxa ka mid ah qaybta amniga ama laamaha amniga oo waxa ay ku kala rideen qaybo oo marka u horeysa ee ay ishu qabato waad garanaysaa gaadhigaasi goobta laga leeyahay iyo gobolka laga leeyahay intaanad gobolba ka sii eegin, markaa waxa ay ka saaraysaa lixdii gobol ee kale inay banaanka uga saarto baadhitaanka intaasi kaliya ayaa waxa ay tahay wax weyn oo kharash badan iyo dabogal badani kaga bixi jiray laamaha amniga waana horumar cusub waxaanay wax badan ka sahlaysaa nambarkeena dheeranaeyey ee sii kordhayey”.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka JSL Naasir Cumar Jaamac ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:- “Waxa xusid mudan in todobaadkii la dhaafay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku ay golaha wasiirada hor keeneen xeerkii maamulka gaadiidka dawladda oo ah xeer si gaar ah u daryeelaya gaadiidka dawladda, waxa farxad ah in maantana ay wasaaraddu soo bandhigtay adeeg baahi weyn loo qabay adeegaasi oo aan isleeyahay waxa uu koobsanayaa oo uu kor u qaadayaa haddii ay noqoto xaga nabadgelayda, haddii ay noqoto xaga dhaqaalaha tusaale ahaan waxa aad loogu dheeraaday ka ganacsiga gaadiidka oo ah ganacsiyada ugu culus ee ay dadkeenu ka ganacsadaan qof kastaana si fudud uga qayb gali karo dhibaatooyinka haystay waxa ka mid ahaa iyada oo wakhtigii gaadhigaba la gaadhin in gaadhigu uu khasaare gali jiray waxaanay ahayd wax qof walba arki karo”.

Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Wasaaradda Caafimaadku dhibaatooyinka u badan ee ay la tacaashaa waa dhibaatooyinka ka dhaca wadooyinka labada nidaam ee aynu ula tacaali karnaana waa in maamulka gaadiidka horumarino iyo in jidadka gaadiidkaasi marayo aynu wax ka qabano”.

Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka JSL Cismaan Aw Cabdi ayaa isna waxaa hadalkiisa ka mid ahaa:- “Munaasibadani waa munaasibad qaranka qiimo weyn u leh waana arin aad iyo aad muhiim u ah oo ay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku soo bandhigtay waanan ku faraxsanahay, waxaanu ka koobanahay gaadiid iyo waddo, waxaanay dadka muwaadiniinta ah xaq u leeyihiin inay waddo fiican helaan aad iyo aadna waan ugu faraxsanahay curintan cusub ee wasiirku la yimid ee ku sabsan”.

Afhayeenka Ciidanka Booliska ahna Taliyaha Ciidanka nabadgalyada Wadooyinka Faysal Xiis ayaa isna yidhi:- “Marka hore aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa qorshahan qiimaha leh ee ay wasaaradda gaadiidku soo bandhigtay wax weyn ayaanay shaqadayada ka taraysaa haddii ay noqoto xagga amniga, xagga wado marista, anagu aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay sababta oo ah waa mid loo baahnaa, haddaanu nahay ciidanka booliska, gaar ahaan ciidanka nabadgelyada wadooyinka waanu soo dhaweynaynaa”

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wakiilka Dawlada Jabuuti u jooga Soomaaliland, Madaxa Xafiiska Dawlada Ingiriiska ee Soomaaliland, Agssimaha Guud ee Amniga Arimaha Gudaha, Guddoomiyaha Macdarada Baabuurta iibiya, Agaasimaha Waaxda Aqoosiga Wadida Gaadhiga (Driven  Liaison) oo dhamaantood ku dheeraaday faaiidada uu leeyahay adeegan ay soo bandhigtay Wasaaraddu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.