Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo daah furay Tababar lagu Tayaynayo Barayaasha Iskuullada wadista Gaadiidka(Shool Driving Instructors)

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash)oo uu wehelinayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Mudane Axmed Abokor Maxamed, ayaa saaka si wada jir ah u daah furay Tababar lagu Tayaynayo Barayaasha Iskuullada wadista Gaadiidka(Shool Driving Instructors).

Daah-furkan oo ka qabsoomay Hoolka Xarunta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka,waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Waaxda Liisannada ee Wasaaradda Gaadiidka Ayaan Cabdicaziiz,Agaasimaha Waaxda ICTga Cabdikariim Baashe Axmed, Maamulaha Iskuulka Tababarka Darawaliinta Khaalid Cabdillahi, Lataliyaha Sharciga Wasaaradda Gaadiidka Yuusuf Maxamed, Macallimiinta Iskuullada Kala duwan ee Barashada Wadidda Gaadiidka iyo Bare Sare Sama-Fale Jaamac Beegsi oo isna Khadka habka Muuqaal-araga ah kaga qaybgalay.

Ugu Horrayntii waxa halkaasi ka hadashay Agaasimaha waaxda Liisannada iyo Buugaagta ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Ayaan Cabdicaziiz, oo isku dubba ridka Tababarkan iyo qaban qaabadiisa ay waaxdeedu si gaar ah ugu hawlanaayeen.

Sidoo waxa halkaasi isna ka hadlay Agaasimaha guud oo tilmaamay tababarkan iyo ujeedadiisa ” Tababarkan ujeedadiisu waa sidii loo tayayn lahaa aqoonta iyo xirfadda aqooneed ee barayaasha Iskuullada Wadidda Gaadiidka iyaga oo ku baran doona Habka Muuqaal-araga ah,oo uu ku deeqay Sama-fale Jaamac Beegsi oo ah Bare sare oo ku takhasusay Barista Xirfadaha Waddo Marista iyo shuruucdeeda, waxna ka dhiga dalka UK isaga oo si Tabaruc ah uga faaiidaynaya dalkiisa hooyo xoogiisa iyo waqtigiisaba ka wasaarad ahaanna waan uga mahadcelinaynaa sida uu isku xil-qaamay”.

Ugu dambayntiina Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdirisaaq (Ataash)ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay Tababarkani, intaa kadibna waxa uu aad ugu mahadnaqay wasiirku Sama-fale Jaamac Beegsi sida hagar-laaanta ah ee uu uga qayb qaadanayo horumarka dalka sheegayna inuu khayr badan kaga heli doono Alle xagiisa maadaamo oo ay arrintani qayb ka tahay bad baadin Nafeed iyo mid Maalba.

Allaa Mahad leh.
@Xafiiska Xidhiidhka iyo Warbaahinta WG&HJ.