Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL oo Kulan La Yeeshatay Daneeyayaasha Gadiid Xamuulka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirkan waxaa shir guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Ahmed Abokor Mohamed oo ay wehelinayaan Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada Muuse Yuusuf Ibraahim.

Ujeedada shirkan ayaa daarnaa sidii looga wadashaqayn lahaa yaraynta shilalka gaadiidka oo ku soo batay dalkeena iyo in laga taxadiro wax kasta oo sababi kara shilalka; sidoo kalena lagu dhaqmo dhamaan awaamiirta iyo wareegtooyinka Wasaaradda ka soo baxa.

Masuuliyiinta Iskaashatada Dhaynayaasha ee HIMILO oo muddo sanad ah jiray ayaa ka warbixiyey caqabaha ka horyimaada. Waxay masuuliyiinta Wasaaradda ka dalbadeen in wax laga qabto caqabadaha jira. Waxay kaloo balan qaadeen inay awaamiirta Wasaaradda iyo xeerarka dalka si buuxda fulinayaan.

Falnqayn ku saabsan shaqooyinka Iskaatada HIMILO ayey yeesheen xubnaha shirka ka qayb galay, qodobo muhiim ah ayaana la isku afgartay.

Ugu dambayntiina waxaa shirka soo afmeeray Agaasimaha Guud oo tilmaamay qorshaha Wasaaradda ee horumarinta Iskaashatooyinka Gaadiidka, shuruucda wadamarista iyo Badqabka nafaha iyo hantida muwaadiniinta Gaadiidka isticmaala.

Agaasimuha Guud wuxuu ku dardaaray Iskaashatada inay shuruuxda iyo xeerarka gaadiidka fuliyaan, sidoo kale wuxuu u balanqaaday in Wasaaraddu wax ka qaban doonto caqabadaha Iskaatada Dhaynayaashu si waafaqsan shuruucda dalka.

Wabillaahi Tawfiiq
@Xafiiska Xidhiidhka iyo Warbaahinta WG&HJ