Wasaaradda Diinta oo Go’aano ka soo Saartay Xiliyada Eedanka Salaadaha iyo khudbadaha Jimcaha

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiirka Diinta Sheekh Cabdirisaaq xuseen Cali (Albaani) ayaa sheegay inaan loo ogolayn inuu khudbad jimce ka akhriyo masaajidada dalka qof aanay Wasaaradu u fasaxin, isla markaana ka digtay in mimbarada masaajidada laga dhigto meel cid gaar ah looga ololeeyo.

Kulan manta lagu qabtay Wasaarada Diinta kana soo qeybgaleen Wasiirka Diinta, masuuliyiin ka tirsan Wasaarada diinta iyo culima’udiin kale ayaa laga hadlay go’aamo lagu wanaajinayo usluubka Eedaanka wakhtiyadiisa iyo khudbadaha Jimcaha.

Wasiirka Diinta Sheekh Albaani ayaa sheegay markii ay tixgeliyeen baahida loo qabo in wax laga qabto arrimaha masaajidada xilliyada salaadaha iyo eedaanka, lana tashadeen culimada, waxay Wasaarada Diintu soo saartay go’aamadan oo la farayo dhamaan Imaamyada iyo mu’adimiinta masaajidadu inay fuliyaan.

Qodobka koowaad oo ku saabsan wakhtiga salaadaha, si loo mideeyo Eedaanka salaadaha faralka ah, waxa la farayaa dhamaan imaamyada masaajidada inay fuliyaan.

Iyadoo la is-waafajiyanyo wakhtiga salaadaha sharciga iyo wakhtiga waa in la raaco jadwalka salaadaha ee sida sannadlaha Wasaarada Diintu u soo saarto, wakhtiga iqaamka salaadana jadwalka ayaa la raacayaa.

Haduu mu’adinku ka habsaamo wakhtigii eedaanka rasmiga ah, waxa la farayaa inaanu mikrafoonka ku eedaamin, ee gudaha masaajidka ku koobnaado.

Eedaanka daakiraada salaada subax iyo eedaanka Dambe waa inay u dhexeyso 45 daqiiqadood, meel walba, gobol iyo degmo kasta.

Hadii mu’adinku ka habsaamo eedaanka hore ee salaada subax, waa inuu iska joojiyaan, oo aanu la iman hadii wakhtigii dhaafay.

Hadii masaajidka cashar ka socdo marwalba wakhtiga eedaanku waxuu ahaanayaa mid ku jaango’an sida jadwalka Wasaaradu u dejisay, waxaana eedaanka la dhexgelinayaa dersiga hadii aanu dhamaan.

Wasiir Albaani ayaa sheegay in qodobada sare yihiin go’aamadii la xidhiidhay mideynta eedaanka iyo iqaamka salaadaha iyo wakhtiyadooda.

Go’aamada kale ee Wasaarada Diintu soo saartay oo la xidhiidhay cod-baahiyeyaasha (microphone) masaajidada saaran ayaa sheegay inay ka mid yihiin;

Waa in sameecadaha dibeda ee masaajidada laga dhigaa cod dhexe oo macquul ah, isla markaana gaadhaya inta jamaca masaajidka looga yimaado, maadama masaajidadu isku dhow-dhow yihiin, si aanay tashwiish iyo Khalkhal u keenin.

Waa in sameecadaha masaajidada isku dhow-dhow la kala jeediyaan, oo midna aanu sameecadiisu ka kale ku bixin, oo aanay soo gaadhin.

Sameecadaha dibeda waxa loo isticmaalayaa eedaanka, aqiimista salaadaha, khudbadaha Jimceyaasha, muxaadarooyinka iyo casharada.

Waa in laga bakhtiyaa sameecadaha dibeda casharada iyo muxaadarooyinka masaajidada u dhow goobaha waxbarashada caafimaadka iyo hudheelada la seexdo.

Waa in la bakhtiiyo sameecadaha dibeda salaadaha tahajudka sidoo kale waa in la bakhtiiyo samaacdaha dibeda salaadaha Subax iyo duhur dabadooda, hadii cashar la dhigayo ama wacdi la jeedinayo.

Masaajidada aan lahayn hanaan lagu kala reebo sameecadaha gudaha iyo kuwa dibeda waa in degdeg loogu sameeyo, marka go’aankani soo gaadho.

Go’aamada Wasaarada Diintu soo saartay ee la xidhiidha khudbadaha Jimcaha ayuu sheegay Sheekh albaani inay kala yihiin;

Masaajidada cusub laguma oogi karo salaada jimcaha ilaa ay Wasaarada diintu qiimayn ku samayso, ka dibna ogolaansho bixiso.

Wasaarada Diintu waxay qiimayn ku smaayn doontaa masaajidada imika lagu oogo salaadaha Jimcaha.

Qofka khudbada jimcaha akhrinaya wa ainuu buuxiyo shuruudaha soo socda;

Waa in khadiibka laga helaa shuruudaha iyo tilmaamaha ay shareecdau u dhigtay, waxa lagu akhrin karaa khudbada jimcaha af Soomaali iyo af Carabi, waxaana waajib ah in arkaanta khudbada af Carabi lagu akhriyo.

Eedaanka hore ee Salaada jimcaha waxa la adimayaa soddon dariiqadood ka hor eedaanka rasmiga ah ee salaada.

Waa in khudbada jimcahu noqoto mid kooban oon ka badnayn soddon daqiiqadood, isla markaana noqotaa khudbad ku saabsan danta diimeed iyo aduunyo ee bulshada.

Waa inaanay noqon khudbad ajimcahu mid fidmo ka dhexabuurta bulshada, isla markaana dhaawacda wadajirkooda.

Waa inaanu khadiibku ka dhigan mimbarka masaajidka fagaare siyaasadeed oo looga ololeeyo cid gaar ah.

Wasaarada diinta ayaa sheegay inay kaadhadh lagu aqoonsado siin doonto dhamaan khadiibyada khudbada salaada jimce ka jeediya masaajidada, si loo kala ogaado inuu yahay qofkii sharciga u haystay iyo mid kale.