Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Ka Hadashay Masaajid Ku Yaal Meel Biyo Mareen Ah Kaas Oo Cabasho Ka Taagnayd

HARGEYSA – (WARSOOR) – Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland ayaa waxay kormeer ku tegey Masjid ku yaala qayb ka mid ah Dooxa Xaafadda Maxamed Mooge, oo ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen daadkii Maraayay Dooxaasi.

Agaasimaha waaxda Masaajidada iyo Madaariista ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Maxamed Macalin, ayaa sheegay in wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu xayirtay Masaajidkan markii ladhisaayay muddo lix bilood ah balse cabasho ka timi dadkii xafadaasi loogu fasaxay.

Agaasimuhu waxa uu sheegay Masaajidkan ay waxyeelo u geysteen Biyihii Roobku oo ay guud ahaantiiba khasaare soo gaadhsiiyeen qaybihii uu ka koobnaa waxaanu agaasimuhu sheegay in Masaajidkaasi ay wasaaradd go’aan ka gaadhi doonto.