Wasaaradda Deegaanka OO 4,000 Geed Ku Wareejisay Dawladda Hoose Ee Degmada Oodweyne

Oodweyne – (WARSOOR) – Wasaaradda Deegaanka ee gobolka Daadmadheedh ayaa 4,000 geed ku wareejisay dawladda hoose ee degmada Oodweyne, kuwaasoo lagu beerayo degmada iyo deegaannada kale ee hoos tagga gobolkaasi.

Xoghayaha fulinta ee dawaladda hoose ee degmada Oodweyne Cabdiqani Caagane iyo agaasimaha arrimaha bulshada ee dawladda hoose ee degmadaaasi ayaa ugu baaqay bulsho weynta ku dhaqan degmadaasi iyo guud ahaan gobolka in dhirtaasi ay soo doontaan, si loo beero, iyagoo tilmaamay in arrintani ay wax weyn ka tarayso xaalufka iyo cimilo doorsoonka ay hadda wajahayso dunidu, taasoo Somaliland ay dhankeeda wax ka qabanayso deegaankeeda si looga hortago dunidsa sii kululaanaysa ee ka dhalatay ficillada aadmiga.

Geesta kale, waxay tilmaameen in dhirtan ay iyana dhankooda ku beeri doonaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee gobolka, iyo iskuullada wax lagu barto, si loo abuuro deegaan cagaaran isla markaana looga hortago xaalufka iyo dabargo’a deegaanka, waxaana ay intaas raaciyeen in maalinta berri ah ay si rasmi ah u bilaabi doonaan beerista iyo qaybinta dhirtaasi.

Gebogebadii, waxay ugu baaqeen bulshada inay ka qayb qaataan mashruucan ballaadhan ee wasaaradda deegaanka ee Somaliland ay waddo ee lagu dhiraynayo guud ahaan Somaliland, si loo abuuro deegaan barwaaqo ah oo nabdoon.