Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland oo Beenisay Warqad Been Abuur ah oo Laga Baahiyey

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ayaa beenisay warqad been abuur ah oo laga baahiyey, wasaaradda ayaa sheegay in aanay warkaasi ahayn mid sal iyo raad leh.

Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Cilmi ayaa sheegay in warqaddani ay tahay wax la iska malmaluuqay oo aan beer abuur ah, waxaanu sheegay in arintaasi cidii ka dambaysay ay baadhayaan ciidamada CID-da cidii lagu helo dambigaasina ay mutaysan doonaan ciqaab.

Warqad been abuurka ah ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire uu u qoray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya. Balse warqaddan ayaa noqotay mid aan waxba ka jirin oo ah warqad la been abuurtay.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland:

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap