Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Buugaagta Manhajka U Qaybisay Ardey

Hargeysa – (WARSOOR) – Guddoomiyah waxbarashada gobalka M/jeex C/kariin xasan muxumed (C/kariin careef) ayaa maanta buugaagtii manhajkii dugsiga hoose dhaxe u qaybiyay dugsiga dhaxe ee Degmada Dacarbudhuq iyo dhamaan dugsiyada hoos yimaada dagmada Laas_geel.

Guddoomahu waxa uu kula dardaarmay maamulka dugsiyada iyo ardeyda ba, in ay ilaashadaan buugtaa. Waxa kale oo uu guddoomiyuhu kula dardaarmay ardeyda iyo macallimiinta dugsiyadaa in ay ka foojignaadaan dhibaatada xanuunka COVID19.

Waxa iyagguna halkaa ka Hadley, guddoomiyaha wxbarashada degmada Laasgeel, guddoomiyaha degmada Laas_geel iyo musharax Samsam Maxamed Cige, waxaanay ku dheeraadeen sida loogu baahnaa buugaagtan maanta la soo gaadhsiiyey

Degmada Laas-geel oo ahayd halkii ugu danbaysay ee ay maamulka waxbarashada gobolka M/jeex ku qaybiyaan buugaagta manhajka Somaliland ee gobolka M/jeex ayey buugaagtani wax badan ka tari doonaan baahidii ay ardeydu u qabeen.