Wasaarada Isgaadhsiinta oo Lagu Dhex Aasaasay Shirkadda Fiber maamulin doona

Hargeysa – (Warsoor) – Waxa maanta kulunkii ugu horeeyey ee dhinacyada ku bahoobay heshiiska wadaaga xadhiga internet-ka ee fiber optic-ga uu ka qabsoomay xarunta guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL. Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan dhinacyadda heshiisku ayaa maanta lagu aas-aasay shirkadda maamulaysa xadhiga internet-ka ee fiber optic-ga oo yeelan doonta golaha maamulka ee sare (board of directors) iyo maamul iyo shaqaale kale oo maarayn doona isticmaalka xadhiga fiber-ka ee dhinacayada heshiiska iyo cida kale ee danaynaysaba.
Kulankan ayaa sidoo kale waxa dhinacyada heshiisku ku saxeexeen heshiiska saamilayda (shareholder agreement).

Heshiiska ay toddobaadkii hore galeen shirkaduhu oo ay ku bahoobeen sidii ay u wada isticmaali lahaayeen kaabayaasha kala duwan ee fududaynaya adeegyada shirkaduhu bixiyaan ayaa ah mid bogg cusub u furay wada shaqaynta iyo isku soo dhawaanshaha shirkadaha oo ay dan badani ugu jirto shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Aragtida Wasaaraddu waa in mar kasta la fududeeyo nidaamka ganacsiga ee shiradaha isgaadhsiinta, si adeega bulshada gaadhayaa u fududaado islamarkaana ula jaanqaado isbedelka tiknoolajiyadda ee adduunka.