Wasaarada Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Oo Ka Qayb Gashay Shir Caalami Ah

Mwanza – (Warsoor) – Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka qayb gashay shir caalami ah oo dawlada Somaliland lagu marti qaaday, shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen baanka aduunka, iyo dawlada Tanzania, ayaa  ka furmay  magaalada Mwanza ee ku taala harada Victoria ee dalka Tanzania, waxaa ka qayb galay, In ka  kabadan 200 ergay oo ka kala socda ilaa  40 wadan oo afrika ah, iyo  20  shirkadood oo ah kuwa ku shaqeeya Teknooloojiyada (artificial intelligent ).

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Soamliland Cumar sayid Cabdilahi Adan ayaa ka qayb galay shirkaas oo soconaya mudo sadex cisho .

Kulanka shirkan  oo lagaga hadlayay sidii loo horumarin lahaa adeega gaadiidka guud ahaan qaarada afrika ,sida wadooyinka, gaadiidka bada, iyo gaadiidka cirkaba gaar ahaan, adeega loo yaqaano diyaaradaha aan cidna wadin ama    ( Drones ) oo la tijaabinayo in qaaradu markii ugu horaysay ay uga faaiidaysato in kaargoo ahaan loogu gudbiyo tuulooyinka fog fog ee aan wadooyinku tagin, iyada oo loo istimcaalayo isu gudbinta dawooyinka, cuntada fudud, caawinta deg deg ah , xog ururinta iyo sarfaga ( data collection and surveillance) iyo wixi la mid ah.

Waxa shirka furay wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiiidka ee dalka Tanzania H.E Eng  Atashasta Nditiye , waxa sidoo kale hadalo muhiim ah ka jeediyaay madasha agaasimaha guud ee hayada duulimaadyada wadanka Tanzania ( TCAA),  Mr  Hamza Johari , Duqa magaalada Mwanza H.E John Mongella , safiirka switzerland u fadhiya wadanka Tanzania, H.E Arthur Mattli madaxa baanka aduunka ee wadamada ,Tanzania, Malawi,Burundi iyo Somaliland/SomaliaMs. Bella Bird , saraakiil ka socotay hayada ICAO.

Wadamo badan oo afrika ah ayaa soo bandhigay barnaamjiyo tijaabo ah oo ku saabsan qaabka gaadiid ahaan loogu isticmaali karo mustaqbalka diyaaradaha drones, gaar ahaan wadanka Rwanda oo horumar fiican arintaas ka sameeyay, waxa sidoo kale soo bandhigay drones cusub oo aduunyada wax wayn ku soo kordhin doona in ka badan 20 shirkadood oo intooda badan laga leeyahay Asia, iyo yurub.

Ugu dambayn waxa la isku raacay in qaarada afrika  iyada oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamka oo baanka aduunku ugu horeeyo, in awooda la saaro horumarinta gaadiidka iyo  dhismaha wadooyinka iyo isku xidhka qaarada guud ahaan.

                                        

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.