Wasaaaradda Arrimaha Gudaha Oo Tabobaro U Furtay Xubnaha Goleyaasha Degaanka Ee Qaar Ka Mida Gobolada Bariga Dalk

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa si rasmi ah magaaladda Ceerigaabo ka daah furay tabobarka degmo Doorashooyinka gobolada Sanaag, Sool, Xaysimo iyo Badhan.

Tabobarkan oo socon doona muddo afar casho ah waxaa iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Machadka Dawladaha Hoose.

Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha arrimha gudaha, Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaaradda Hawlaha guud oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda tabobarkani u leeyahay degmo doorashooyinka, afartaasi gobolna ay yihiin kuwii ugu danbeeyay ka faa’iidaysanaaya.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Eng Axmed Cismaan Cismaan Xasan iyo Maayirka degmada Ceerigaabo Ismaciil Xaaji Nuur, waxa ay shegeen in ay soo dhaweynayaan ka qaybgalayaasha mashruuca tabarka degmo toorashooyinka afrtaasi gobol iyaga oo sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee barnaamij noocan oo kale ah lagu qabto magaaladda Ceerigaabo waxaanay u mahdceliyeen cid kasta oo ka soo shaqaysay mashruucan.

 Agaasimaha guud ee Machadka Dawladahaa Hoose Iid Muuse Maxamed, ayaa sheegay in tabobarkani ka qayb qaadanayo isku xidhka maamulka degmooyinkaasi iyo in degmooyinku bartaan awoodda sharci ee ay leeyihiin.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland Naasir Caydiid Maxamed, oo gebogabadii halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in tabobarkan lagu qabtay 14-ka degmo doorasho ee dalka afartan gobol degmooyinkooduna ay yihiin kuwii ugu danbeeyay waxa uu sheegay in lagu baranaayo tabobarkan mabda’a maamul daadejinta degmooyinka iyadoo lagu dhaqmaayo xeerka gobolada iyo degmooyinka ee xeer nubar 23 2019.