Warka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland oo Si Rasmi u soo bandhigtay wajiga 1aad ee Diwaan-gelinta Shaqaalaha

Hargeysa – (warsoor) – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Wasiirka Horumarinta Maaliyada Ku Wareejisay  1,252 Kaalmo Shaqo Oo Lasoo Waayey Dadkii Ku Mushaharka Qaadanayay  Kuwaas Oo Hore Ugu Jiray Jadwalka Mushahar Bixinta.

“Waxa Maanta Wejigii 1-Aad Si Rasmi Ah Loo Joojiyay 1,252 Kaalmo Shaqo Oo Dadkii Ku Mushaharka Qaadanayay Lagu Soo Waayay Diiwaangelintii Dhawaan Ay Samaysay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu Kuwaas Oo Hore Ugu Jiray Jad-Walka Mushahar Bixinta…” Guddoomiye Sharmarke Geelle.

Haddaba, diiwaangelinta shaqaalaha dawladda oo mudooyinkii u dambeeyey gacanta lagu hayey ayaa lasoo diiwaangeliyey tiro dhan 14,057 halka ay markii hore diiwaanka mushahar bixinta ay ku jireen 16,533.

Faraqa oo dhammaa 2,476 ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay lagu waday  dib-u-eegis iyo kala shaandhayn.

Ugu dambayn, waxaa raq iyo ruux loo soo waayey baadhid dheer kadib tiro dhan 1,252 halkaas oo  aanu maanta ku wareejinay magacdooda iyo darajooyinkooda Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda kuwaas oo   isla  saaka si rasmi ah loo joojiyey mushahar iyo gunno wixii u qornaa

 Shaqaalaha kale ee dhiman oo tiradoodu  dhan tahay 1,224 ayaa  maalmaha soo socda  iyagana siyaasad, hubin,  iyo go’aamo ka soo bixi doonaan, kuwaas oo u kala baxa:

1-         Dhimasho                  172

2-         Dhul-yaal                   132

3-         Waxbarasho               87

4-         Fasax Caafimaad       69

5-         Dad maqnaa xiligii diiwaangelinta iyo kuwo dood magac ka qaldan  u socoto  764

Maalmaha soo socda waxa aanu soo gudbin doonnaa inta tiradan dhab ka noqota iyo inta wajiga 2aad  iyagana laga tirtiri doono liiska mushahar qaadashada.

Waxa hubaal ah in qaran waliba guul ku gaadho sida uu u habaysto shaqaalihiisa  isla markaana  shaqaaluhu yihiin  cidda ka shaqaysa dhinac walba oo horumarka ah.

Isla marka la dhameeyo wajiga ugu dambeeya ee kala shaandhaynta, waxa la soo saari donaa hannaanka hufan ee kaalmahaa shaqo loogu buuxin doono iyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada dalku ka heli doonaan dib-u-habayntan halka shaqaalaaha dawladdana loo bilaabi doonno tayayn iyo horumarin.

Dhinaciisa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaa Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa xusay sida uu ugu faraxsan yahay in uu arko midhiihii diiwaangelinta oo guul laga gaadhay sida oo kalena. xusay in ay degdeg uga saari doonaaan liiska mushahar bixinta

Wasiirka oo arimahaa ka hadlaya ayaa hoosta ka xariiqay in arintani kamid tahay noocyada musuq-maasuqa ee u baahnaa in wax laga qabto sida oo kalena hay’adda shaqaalaha Dawladda ku ammaanay dedaalka ay hawshan geliyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.