Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Masar iyo Ethiopia

QAAHIRA – (WARSOOR) – Dowladda Sudan ayaa ku howlan sidii ay wada-hadal uga dhex billaabi lahayd dalalka Masar iyo Ethiopia oo uu ka dhaxeeyo muran salka ku haya webiga Nile ee saddexdan dalba dhex-mara.

Xiisadda ayaa ka dhalatay biyo-xireenka ay Ethiopia ka dhiseyso webiga Nile, kaasi oo Masar ay sheegtay inuu halis ku yahay, islamarkaana yareyn doono biyaha dalkeeda soo gaara. Biyaha laga isticmaalo Masar ayaa in ka badan 90% ka yimaada Nile.

Ethiopia ayaa isku dayeysa inay dhowaan billowdo inay buuxiso biyo-xireenka, taasi oo Masar ay aad uga digtay, balse Addis Ababa ay sheegtay inaysan u joojin doonin.

XIGASHO: VOA SOMALI