WAR-SAXAAFADEED: Fadhigii 91aad Ee Golaha Wasiirrada Somaliland iyo Qodobbo Muhiima Oo Laga Hadlay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Fadhigii 91-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta lagaga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin diyaar garowga Xuska 18-MAY, dib u dhiska Suuqa Waaheen iyo Arrimaha Amniga Iyo Abaarta.

Ugu horeyn waxa golaha war-bixin la xidhiidha Amniga dalka la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu dul istaagay xaaladda guud ee amniga dalku halka ay marayso, iyadoo wakhtigan lagu gudo jiro u diyaar-garowga xuska sannad guurada 31aad ee maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May. Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalilanad oo ah Gudoomiyaha Guddida agaasinka iyo qaban-qaabada xuska 18-May ayaa golaha wasiirrada u soo badhigay qorshaha dabaal-dega xuska sannad guurada 31 ee Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May ee sannadka 2022-ka ee ay guddidu heer qaran diyaarisay ilaa hadda.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Gudoomiyaha Guddida Gurmadka Abaarta mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha uga waramay roobkii guโ€™ga ee dalka ka curtay, taasi oo uu xusay in guud ahaan dalka ay ka daโ€™een roobab lagu qabowsaday, xaaladdii adkayd ee abaarta dalka ka jirtayna wax ka taray, waxaanu sheegay in guddida gurmadka abaartu ay sii wadi-doonan howlihii gurmadka abaarta ee ay hore u waddeen guddidu, taasi oo ay wali jirto baahida raashinka iyo nafaqaynta xoolihii abaartu saamaysay.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ahna gudoomiyaha Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Suuqa Waaheen, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa golaha xog-waran ka siiyey hawlaha Gurmadka Suuqa Waaheen ee ay ilaa hadda guddidu qabatay oo ay ka mid yihiin diiwaangalinta khasaaraha uu sababay masiibadii dabka ee suuqa waaheen, diiwaangalinta ganacsatadii suuq ku ganacsan jirtay, dhaqaalaha loogu talo-galay suuqa waaheen ee guddiyada soo gaadhay, isagoo sheegay in dhaqaalahaasi ay u qorsheeyeen in la siiyo dadkii dhibtu ka soo gaadhay masiibadii dabka iyo dib-u-dhismka suuqa waaheen, waxauu xusay in guddidu qorshaynayso sidii loo dhisi lahaa suuq casriya oo la jaan-qaadaya suuqyada caalamka, hawshaasina la kaashan-doonan Injineerada Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Dhulka oo ay wehelinayaan Ingineerada Dawladda Hoose ee Hargaysa iyo cid kasta oo hawshaasi khibrad iyo aqoonba u leh.

Gaba-gabaddii shirka, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa dhammaan laamaha Dawladda ee gudaha iyo dibedda iyo shacabi-weynaha reer Somaliland ugu baaqeen in ay u diyaar-garoobaan dabaal-daga xuska maalinta Qaran ee 18 May, sida oo kale goluhu waxa uu ku dardaaray laamaha amniga in ay sii xoojiyaan hawlaha sugista amniga ee ay ku howlanaayeen.