WAR-SAXAAFADEED: Fadhigii 90aad Ee Golaha Wasiirrada Oo Lagaga Hadlay Qodobbo Dhawra.

HARGEYSA – (WARSOOR) – Fadhigii 90-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta lagaga hadlay qodobbo dhawra.

Ugu horreyn, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaarta, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha la wadaagay xaaladda abaarta ka jirta dalka, howlaha gurmadka abaarta ee ay waddo guddidu, bulshada abaartu saamaysay ee wax loo qaybiyey ilaa hadda, iyo deeqaha soo gaadhay guddida. Sidoo kale waxa madaxweyne ku-xigeenku ka warramay roobabkii dhawaan ka da’ay qaybo ka mid gobollada dalka, isaga oo xusay in meelaha qaar ay ka da’een roobab lagu qabowsaday.

Goluhu waxa kale oo uu war-bixinta Amniga dalka ka dhagaysta wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed, isagoo ka xog-warramay xaaladda amniga ee dalku halka uu marayo oo uu xusay wasiirku in meel looga soo wada jeesto.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa shirka golaha wasiirrada horkeenay qoraal faah-faahsan oo ku saabsan wax ay shareecada Islaamku ka qabto carruurta la tuuro ee aan la aqoon cidda dhashay iyo sida loola dhaqmayo.

Gaba-gabadii shirka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa golaha uga xog-warramay safarkii dhawaan uu ku tagay dalka Maraykanka, waxana uu tilmaamay Madaxweynuhu, in safarkaasi guul ugu soo dhammaaday, isaga xusay in dowladda Maraykanku ay diyaar u tahay in ay la shaqayso Somaliland, waxna ay wada-qabsadaan, qodobbo badanna labada dal ay iska-kaashan doonaan.

ALLAA MAHAD LEH

Warbaahinta Madaxtooyada JSL.