WAR DEGDEGA: Guddoomiyaha Telesom oo Ku Guuleystay Agaasimaha Ugu Wanaagsan Isgaadhsiinta Afrika ee 2018

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha shirkadda casriga ah ee Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid ayaa ku guulaystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee loo yaqaano “CXO of the Year 2018” munaasibad xalay ka dhacday dalka Koonfur Afrika.

Waa markii ugu horreysay ee Guddoomiyaha shirkadda Telesom u tartamo Abaalmarintan Africacom, xafladdan waxaa kasoo qayb galay 14,000 oo qof, marti sharaftii ka hadashay madashuna waxay ahayd 450 qof.

Shirkadda Telesom ayaa lagu soo xushay saddexdan arrimood:
1. Telesom waa shirkaddii ugu horreysay dunida ee hirgelisa adeega sarrifka lacagta mobilka (Mobile currency exchange platform)
2. Telesom waa shirkaddii 5aad dunida ee hirgelisa adeega lacagta mobilka ee ZAAD.
3. Telesom waxay kor u qaaday dhaqaalaha Somaliland isla markaana bulshada usoo bandhigtay adeegyo casriga sida Cloud service iyo Vas (Value added service).

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.