Wafdi ka socda Mareykanka oo gaaray Kenya oo ay ka taagan tahay xiisadda doorashadii madaxweynaha

KENYA — (WARSOOR) – Wafdi ka socda Kongareeska Mareykanka ayaa gaaray Kenya si ay ula kulmaan madaxweynaha cusub ee la doortay iyo mucaaradka oo ay u badan tahay i ay u gudbiyaan dacwad Maxkamadda Sare oo ku saabsan guuldaradii doorashadii ka dhacday Kenya oo ah dalka dimoqraadiyad ahaan ugu xasilloon Bariga Afrika.

Safiirka cusub ee Maraykanka u fadhiya Kenya, Meg Whitman, ayaa sheegtay in wafdiga uu hoggaaminayo Sen. Chris Coons ayna sidoo kale la kulmi doonaan madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Kenya Uhuru Kenyatta, oo la wada ogyahay u aamusnaa tan iyo doorashadii si nabad ah u dhacday 9-kii Agoosto.

Madaxweynaha la doortay ee William Ruto ayaa ah madaxweyne ku xigeenka Kenyatta, laakiin khilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay sanado kahor, waxaanaa Kenyatta doorashada ku taageeray Raila Odinga oo muddo dheer mucaarad ku ahaa.

Odinga waxa uu sheegay in uu sahaminayo “dhammaan fursadaha dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah” si uu uga hortago guul-darradii doorashada.

Ololihiisa ayaa heysta toddobaad laga bilaabo maalinta isniinta ee ku dhawaaqista guusha Ruto si uu u tago maxkamada sare, oo markaas heysata 14 maalmood oo ay go’aan ku gaaarto.

Odinga ayaa ku boorriyay taageerayaashiisa inay isdejiyaan.

Guddiga doorashada Kenya ayaa si fagaare ah qaab fowdo ah ugu kala qeybsamay daqiiqado ka hor ku dhawaaqistii Isniintii, iyadoo guddiga uu midba midka kale ku eedeeyay anshax xumo.

Afarta xubnood ee ka tirsan guddiga doorashada ee ka soo horjeestay ku dhawaaqistii Isniintii waxaa magacaabay Kenyatta sanadkii hore.

Kala qeybsanaantan ayaa dad badan oo Kenyan ah fajac ku noqotay kadib doorasho si weyn loogu arkayay tii ugu daah-furneyd ee abid ka dhacda dalka Kenya, iyadoo natiijadii ka soo baxday in ka badan 46,000 oo goob codbixineed la soo dhigay online-ka si shacabka ay ula socdaan. Tirakoobyada dadweynaha, oo uu ku jiro mid ay soo saareen goob-joogayaasha doorashada, ayaa lagu daray in Ruto uu ku guuleystay in wax yar badan 50% codadka.