Waataad hore u Saydhisey rasaastaad maanta ridi layd

Baribaa nin dhalinyaranimadiisii ahaa nin aad u tumosho badan,saaxiibkii oo aad u yaqaanay ayaa muddo dheer ka dib maqlay hebel waa aroos caawa oo waa loo ciyaarayaa ninkii baa arooskii tagay oo Gobey ka tiriyay aan ka xasuusto (Waataad hore u saydhisey rasaastaad maanta ridi layd) asagoo ku dhaga hadlaaya saaxiibkii oo leh doob dihin MA tihid

Waxaan uga socdaa ninkaa M. xaashi ee shalay sidi xirsi cali xaaji oo dalka u sareeya badheedhi kari waayay ee odhan kari waayay muuse biixi waan diiday inaan dhiso madaxwayne siilaanyow,haddana odhan kari waayay muusow waan ku dhisayaa ee xisbiga igu wareeji Amma wax innoo kala qor aan kugu taageero Amma kugu dhiso Ee aynu ogayn xad dhaafkii iyo guul wayntiisii muuse biixi halkuu gaadhsiiyay inuu maanta gudoomiye xisbi daydayaa waa ku ceeb iyo liidnimo halkii u dambaysey, wixii 2017 lakala qaybsey inuu 2021 daydayaa waa ku ceeb

Waxaan u soo jeedin lahaa laba qodob mid uun
Inuu xirso u garaabo oo uu xoojin u noqdo maanta cirro na dhiso iyo inuu kaahin dhiso oo uuu bilaa shuruudii muuse biixi ku raacay ku raaco wixii intaa dheer Waxaan u arkayaa inaanu wax uu doonayaa jirin ee uu kala qaybin bulsho uun hadafkiisu yahay hadday tahay bulshada reer somaliland iyo hadday tahay beesha HJ gudaheeda oo uu ka abuurayo dhagan aan hore looga baran beelwaynta HJ oo ah kala qaybsamid

Laba daran mid dooro ayaa ku hor taala maanta ee sidi shalay yaanay talo labaad ku seegin ee maanta badheedhahaaga caddayso oo ninkaad dhisayso sidii muuse aad u dhistey uga badheedh.

Allow eex MA tiraabin aqoon haygu cadaabin

W/Q:Mohamoud abdi (fiiqane)